Weriyaal lagu xirey iyagoo warbixino u tegey saldhigga Degmada Kaxda

Wariyeyaal howlo shaqo u aaday degmada Kaxda si ay uga soo warbixiyaan dhacdadii xalay ka dhacday degmadaas ayaa Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad ay xarig iyo jirdil u geysteen, iyadoo inta indhaha iyo garba-duub loo xiray xabadka dhulka loo dhigay.

Weriyaasha ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Five TV ee Muqdisho Aweys Mohamud Jilacow iyo sawirqaade ka tirsan Five TV , iyadoo jirdil xooggan u geystay Ciidamada Haramcad, xilli maanta uu howl shaqo ay u tageen saldhigga Degmada Kaxda. Ciidamada ayaana illaa iyo hadda haysta Agaasimaha.

Sidoo kale waxaa wehlinayay wariyaal ka socda xarumaha warbaahinta ee Somali Cable iyo Dalsan TV.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More