Wiil dhalinyaro asalkiisu yahay Soomaali oo loo doortay golaha deegaanka magaalada Torino

Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Macalin oo ah Soomaali ayaa loo doortay Golaha deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii uu qaab soo galooti ah ku tagay jaziirada Lampedusa, sanadkii 2016 ayuu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa.

Doorasho ka dhacday magaalada Torino ayuu Cabdullaahi ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa xisbiga Dimuqraadiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More