Wiil la dhashay gudoomiye kuxigeenka golaha shacabka oo lagu dilay Muqdisho.

Nov. 07 (Jowhar.com) -Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa barqanimadii maanta dil ka geysatay xaafad ka tirsan degmada Dharkiinkeey ee magaalada Muqdisho.

Wiilka la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Cumar Abshiroow, waxaana lagu dilay xaafadda Kaawo Godeey, iyadoo dableydii dilkiisa ka dambeysay ay goobta isaga baxsatay.

Marxuumka waxa ay walaalo ahaayeen gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka C/llaahi Cumar Abshiroow, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa.

Kooxda Shabaab oo sheegatay dilka ayaa ku faantay iney toogatay mid kamid ah ergadii Koofur Galbeed xildhibaanada federaalka kusoo dooratay, sidoo kalena uu ahaa sarkaal ka tirsan baarlamaanka, sida ay sheegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More