Wiil u ololeynayay Nabadda gobolka Mudug oo Gaalkacyo lagu dilay

May 22 (Jowhar.com)- Wiil dhalinyara ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid ayaa barqanimadii maanta lagu dilay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso maamulka Puntland.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wiilka la dilay uu kamid ahaa Dhalinyarada haldoorka ah ee u ololeyn jiray Nabadda Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer colaad beeleedyo uu ka dhacay, iyadoo kooxo hubeysan ay rasaas kaga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa.

Warar kale waxa ay sheegayaan, in marxuumka la dikay uu sidoo kale kamid ahaa Saraakiisha dowladda Hoose ee Puntland, iyadoo ay socdaan baaritaano ay wadaan laamaha amniga gobolka Mudug.

Kooxihii falkan dilka ah ka dambeeyay ayaa weerarka kadib goobta isaga baxsatay, waxeyna ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen dhalinyaro lala xiriiray falkan oo su’aalo lagu weydiinayo saldhiga Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More