Saturday, March 21, 2026
Home NEWS Wiil uu dhalay Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo kasoo muuqday kooxda qaaday...

Wiil uu dhalay Afhayeenka Shabaab Cali Dheere oo kasoo muuqday kooxda qaaday weerarkii Godka Jilicow

45
Screenshot

Mar 21(Jowhar)-Kooxda AS ayaa muuqaal ah baahisay oo kusaabsan weerarkii Godka Jilacow ku sheegtay in kooxdii weerarkaas fulisay uu kujiray wiil uu dhalay Afhayeenka kooxda Cali-Dheere.

Cali dheere iyo Wiilkiisa ayaa si wadajir ah uga soo  muuqanaya Muuqaalka waxaana kooxdu ay ku sheegtay Magaciisa Cabdiraxmaan Shekh Cali oo kudhashay Muqdisho 2006-dii Sidookale Waxay kooxdu soo bandhigtay laba nin oo ajaanib ah oo weerarka qeyb ka ahaa kuwaas oo uu midi udhashay Tanzania midna u dhashay Itobiya gaar ahaan Qowmiyada Oromada.

weerarkan oo dhacay 5-tii October 2025 ayaa loo adeegsaday gaari lagu buufiyay Calaamada Hay’ada NISA iyadoo sidookale kooxda weerarka fulisay loo xiray direyska ay caanka kuyihiin ciidanka Nabad Sugida.