William Ruto;”Safarku waxa uu ka mid yahay waajibaadkeyga Shaqo”

Oct 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa difaacay booqashooyin badan oo uu ku tagay dalka dibadiisa, isagoo sheegay in ay ka faa’iideen dhanka dhaqaalaha.

Mr Ruto ayaa lagu dhaleeceeyay inuu galay safarradii ugu badnaa ee dibadda ah muddo sanad ah marka loo eego kuwii isaga ka horreeyay.

Warbaahinta gudaha dalka kenya ayaa sheegaysa inuu tagay 38 wadan tan iyo markii uu xukunka qabtay Sebtembar 2022.

Hase yeeshee, khudbad uu jeediyay Axaddii, Mr Ruto wuxuu sheegay in safarradaas uu ku guuleystay in uu shaqo u helo dadka Kenyanka ah, uuna la galay heshiisyo laba geesood ah oo dhowr ah kuwaasoo looga gol leeyahay in suuqyo loogu furo wax soo saarka gudaha.

“Waxaa jira dad kiiskeyga ku saabsan sababta aan safarro dibadda ah ugu baxayo dhaliilaya. Taasi waa waajibaadkeyga madaxweyne ahaan. Anigu waxaan ahay wakiilka ugu sarreeya ee Kenya iyo danjiraha qorsheyn doona sida uu waddanku hore ugu socon lahaa,” ayuu yiri Mr Ruto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 350,000 oo shaqo iyo fursado maalgashi uu u helay Kenyanka booqashooyinkii ugu dambeeyay ee uu ku tegey dalalka Sacuudiga iyo Shiinaha.

Wargeyska Standard ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa Mr Ruto ku tilmaamay “madaxweynaha duulaya”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More