Xaaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi oo ku geeriyootay Nairobi

Alle ha u naxariistee Waxaa dalka kenya ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd xaaskii madaxwaynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal ayaa dhawanahaan ku xanuunsanayd Isbitaal ku yaalla dalka Kenya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay laga dayrinayay xaaladdeeda caafimaad.

Horaantii bishaan ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ku geeriyooday isbitaal ku yaal Nairobi.

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalk Cali Mahdi iyo Xaaskiisa ayaa howlo caafimaad u tegey dalka Nairobi kadib markii xaalada caafimaadkoodu uu xumaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More