Xafladda Qalinjebinta 70 arday oo ka baxday Dugsiga iyo Xanaanada Amal oo Muqdisho lagu qabtay (Sawiro)

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ku qalinjebinayeen inkabadan 70 arday oo wax ka baratay Dugsiga iyo Xanaanada Amal ayaa maanta lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hormuud ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadda ka qaybgalay  Masuuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya,Culumaa’udiin,Macalimiin,dhaqaatiir,waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay .

Maamulaha Mu’asasada Amal Safiyo Cabdi Xafiid ayaa waxa ay ka hadashay Taariikhda , Waxqabadka iyo ujeedooyinka loo aasaasay Amal iyadoo tilmaamtay in ardayda ay wax baraan ay ku jiraan 80 arday oo agoon ah oo  si lacag la’an ah ay wax ku baraan.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheikh Cabdi Xayi Sheikh Aadan oo ah Gudoomiyaha Madasha Culumada Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxa ay bogaadiyeen shaqada ay hayso Xanaanada iyo Iskuulka Amal .

Waxa ay sheegeen in tarbiyeynta carruurta ay tahay waxa kaliya ee dalka uu hormar ku gaarayo .

Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay qaar kamid ah waalidiinta ay caruurtooda ka qalin jabinayeen oo munaasabadda waxayna bogaadiyeen Mu’assasada Amal sida wanaagsan ay caruurtooda wax u bareen .

Mu’asasadaan oo ka kooban xannaano iyo Iskuulka ayaa waxaa hirgaliyay gabadho soomaaliyeed kuwaa oo u istaagay wixii ay barteen in ay uga faa’iideeyaan dhallaanka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More