Xal laga gaaray muranka beesha Murursade iyo madaxweyne Xasan Sheekh ee wasiirka beeshaas.

August 01 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Xildhibaannada Beesha Murusade ugu jira labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo laga soo doorto Galmudug.

Madaxweynaha ayaa mudanayaashan kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen meel marin golaha wasiiradda, marka la horgeeyo golaha shacabka iyo sidii loo dhameyn lahaa xalinta mad madow ka dhashay shaqsiga madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay u xusbeen inuu beeshaasi ku metelo golaha wasiirada ee dalka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Kulankan uu is afgarad ku soo dhamaaday, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Xildhibaan hore Xasan Macalin oo lagu wado inuu ka mid noqdo Golaha Wasiirada la magacaabi doono.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa saacadaha soo socdo lagu wadaa inuu kudhawaaqo golihiisa wasiirada, waxaana socda xalinta tabashooyinka ka soo laabtay shaqsiyaadka loo xushay xukuumadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More