Xamaas oo sheegtay in ay sii daayeen labo maxbuus oo Mareykan ah

Oct 20 (Jowhar.com)-Afhayeenka garabka militari ee Xamaas, guutada Al-Qassam, ayaa sheegay in kooxdu ay sii daysay laba maxbuus oo Mareykan ah sababo bini’aadantinimo awgeed.

“Iyadoo laga jawaabayo dadaallada Qatar, guutooyinka Al-Qassam waxay sii daayeen laba muwaadin oo Mareykan ah hooyo iyo gabadheeda sababo bani’aadamnimo,” Abu Obaida ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Wuxuu intaas ku daray in tillaabadan looga golleeyahay in lagu caddeeyo dadka Mareykanka iyo caalamkaba in sheegashada Biden iyo maamulkiisa ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Labadan qof ayaa lagu wareejiyay Laanqayrta Cas waxana la sheegay in hooyada ayaa ku jirta xaalad caafimaad oo liidata.Ma cadda inay ka bixi doonaan Gaza oo ay geli doonaan Masar ama Israel.

Waa natiijadii wada xaajoodka Qatar iyo Xamaas oo bilowday ka dib markii Xamaas ay Israel ka afduubatay ku dhawaad ​​200 oo qof 7-dii October.

Ururka Xamaas ayaa 7dii bishan ka soo afduubtay inkabadan labo boqol oo ruux gudaha Israa’iil waxaana ka mid ah dadkaasi ay qabsadeen Xamaas muwaadiniin u dhalatay dalka Maraykanka.

Bisha Cas ee Falastiin oo sheegtay in ciidamada Israel ay dalbanayaan in laga guuro isbitaalka Al-Qudus

Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in howlaheeda cisbitaalka Al-Qudus ee magaalada Gaza ay wajahayaan khatar ka dib markii militariga Israa’iil ay amar ku bixiyeen in isbitaalka laga guuro lagana daadgureeyo dadka ku sugan.

Isbitaalka ayaa waxaa ku jira illaa 400 oo bukaan ah iyo weliba dad ku dhow 12,000 oo rayid ah kuwaasoo ka soo barakacay guryahoodii.

Bisha Cas ayaa ugu baaqday beesha caalamka in arrintan si degdeg ah wax looga qabto,kana hortagaan masiibo kale sida isbitaalka Al-Ahli.

Biden: “Gawaarida gargaarka waa inay galaan Gaza ’24-48 saacadood gudahood’

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in baabuurta sida gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay inay gaari doonaan magaalada Gaza muddo u dhexeysa 24-48 saacadood.

Mar wax laga weydiiyay baabuurta gargaarka ee u sii gudbaysa Gaza, Biden wuxuu sheegay inuu go’aan ka helay Israa’iiliyiinta iyo madaxweynaha Masar, Abdel Fatah al-Sisi.

“Waddada weyn waxay ahayd in dib loo hagaajiyo sababtoo ah waxay ahayd mid aad u xun, waxaanan aaminsanahay, 24-48 saacadood ee soo socda, 20ka baabuur ee ugu horreeya inay gaari doonaan.”ayuu yiri Biden.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More