Xamaas oo sheegtay inay sii deysay Maxaabiis kale

Oct 23 (Jowhar.com)- Garabka Milatari ee Xamaas, Guutada Qassam, ayaa ku shaaciyay kanaalkooda Telegram-ka inay siidaayaan laba la hayste oo Israa’iiliyiin ah, Nurit Yitzhak iyo Yocheved Lifshitz, kadib dhexdhexaadinta Masar iyo Qatar.

Afhayeenka Xamaas Osama Hamdan, ayaa sheegay in hogaamiyaha Isra’il Netanyahu uu hore u diiday siideynta labadan ruux balse uu hadda ku aqbalay cadaadis la saaray.

“Waxba kuma aanan bedelan dayntooda,balse Waxaan u sii deynay arrimo bini’aadantinimo,” ayuu raaciyay.
Xamdaan waxa uu sheegay in siideynta ay dhacday inkastoo Israa’iil ay jabisay qodobadii lagu heshiiyey,kaas oo damaanad qaadi lahaa badqabka maxaabiista.

“Waxaan weydiisannay inay joojiyaan duqeynta Gaza ugu yaraan si aan u sii dayno, oo aan ugu wareejino dirno Laanqeyrta, Israa’iiliyiintu taas may raacin. Waxay muujineysaa inaadan aamini karin dhanka Israel,” ayuu raaciyay.

Ku dhawaaqistan u dambaysay, haddii la xaqiijiyo, waxa ay tirada guud ee la haystayaasha ilaa hadda ka dhigaysaa afar ka mid ah wadarta guud ee hadda la og yahay ee 222ka ruux.

Laba qof oo Maraykan-Israa’iiliyiin ah, hooyo iyo gabadheeda Judith iyo Natalie Raanan, ayaa Jimcihii laga sii daayay maxbuusnimadii.

Goor sii horeysay oo caawa ah ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ilaa 50 qof oo ajaanib lagu soo dayn karo dhexdhexaadinta Qatar.

Dad gaaraya 5,087 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee Gaza, halka in ka badan 1,400 oo qof lagu dilay Israa’iil tan iyo 7-dii October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More