Xamaas oo sii deysay labo kamid ah maxaabiis ay ka afduubteen Israa’iil

Oct 21 (Jowhar.com)-Kooxda Xamaas ayaa shaacisay in ay sii daayeen labo maxbuus oo kamid ahaa dadkii ay ka qafaasheen Israel 7-dii bishan , waxa ayna kooxda wali gacanta ku heysa in ka badan 200-maxbuus oo badankood Israel u dhasheen.

Judith Raanan iyo gabadheeda Natalie ayaa laga sii daayay Gaza sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Israa’iil.

Hooyadaan iyo gabadheeda ayaa intaan la afduuban ka hor booqasho ku tagay Nahal Oz kibbutz oo ay degan yihiin qaraabadooda, iyaga halkaas kula kulmay weerarkii Xamaas ee dhacay 7 dii bishaan October.

Qoyska labadaan ruux ayaa muujiyay sida ayugu faraxsan yihiin sii deyntooda.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli Xamaas ay soo bandhigtay dalab ah in Gaza laga qaado cuna qabateynta taas badalkeedana ay maxaabiis sii deynayso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More