Xamsa Cabdi;”Waxaa la joogaa xilligii Ururinta iyo Bixinta Canshuuraha kor loo qaadi lahaa”

Apr 02 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in horumar weyn oo dhinaca amniga iyo arrimaha bulshada ay gaartay caasimada dalka ee Muqdisho balse la soo gaaray in dhaqaalaha kor loo qaado in bixinta iyo ururinta canshuuraha.

Xamsa Cabdi Barre ayaa hadal uu ka jeediyay kulan afur wadareed ah ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa muujiyay in dowladu ay qorsheyneyso inay sare ugu qaado ururinta iyo bixinta canshuuraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo qaaday in waxbadan laga qabtay magaalada Muqdisho tan iyo markii uu noqday ra’iisul wasaaraha.

“Wax badan ayaa la xaliyay Khawaarijtii ayaa la xaliyay,ceel weeradii ayaa la soo afjaray,hubki magaalada qulqulayay ayaa la soo koobay,dilkii bajaajleyda ayaa la soo afjaray qorshana loo sameeyay oo la habeeyay,”ayuu yiri Ra’iisuL Wasaare Xamse.

Waxa uu sheegay ra’iisul wasaare Xamse in horumarkaa kadib in la gaaray xilligii horumarinta iyo  dhismaha wadooyinka iyo dhaqaalaha kor loo qaadi lahaa.

“Dhibaatoyinkii si tartiib tartiib ah, ayaa loo xaliyay hadda waxaa la gaaray xilligii horumarinta ee aan ka shaqeyn lahayn, horumarka in jidadka la dhiso dhaqaalaha kor u qaado,bixinta iyo ururinta canshuuraha kor loo qaado dadkana dib loogu celiyo looguna bedelo bulshada in waxbarashada caafimaadka jidadka iyo amnigooda oo la sugo ayaan joognaa.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo rajo ka muujiyay in caasimada dalka ay la tartanto caasimadaha kale ee adduunka gaar ahaan qaarada Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen. Isaga oo sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala afuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada magaalada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More