Xamze, Aadan Madoobe iyo C/xaashi oo ku biiray shirka Muqdisho

July. 13 (Jowhar.com)-Waxaa maalinkii labaad galay shirka u dhexeeya madaxda dowladda Soomalaiya iyo madaxdii hore, iyadoo maanta shirka ay kusoo biireen mas’uuliyiin cusub.

Ra’iisul wasaare Xamze, gudoomiyayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare Aadan Madoobe iyo C/xaashi ayaa kusoo biiray shirka, iyagoo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo.

Arrimaha maanta laga wada doodi doono waxaa kamid ah muddo xileedka madaxweynaha iyo madax goboleedyadaa amniga, dastuurka iyo doorashooyinka oo ah kuwa muhiim ah

Shirkan oo looga tashanayo halka loo jiheynayo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa la filayaa in maanta lasoo gaba-gabeeyo oo laga soo saato war-myrtiyeedka shirka.

Si kastaba, Inta uu socdo shirka ayaa waxa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dhameystirka dastuurka, dimuqoraadiyeynta, doorashooyinka, dib u xoreynta dalka iyo guud ahaan siyaasadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More