Xamze Cabdi Barre oo kulan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Imaaraatka Carabta

Sep 22 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo wali ku sugan dalka Mareykanka ayaa sii wado kulan doceedyada uu la yeelanayo madaxda ka qeyb galeysa shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe.

Xamze Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan.

Sida wararku sheegayaab, waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Mr. Xamze ayaa hore dalkaasi kulan kula yeeshay xoghayaba arrimaha dibadda Mareykanka iyo ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Itoobiya, Axada ayaa lagu wadaa inuu ra’iisul wasaaraha khudbad ka jeediyo shirkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More