Xamze iyo Ilhaan Cumar oo wadahadal gaar ah ku yeeshay New York
Sep 19 (Jowhar.com)- Ra’iisul Wasaare Hamze Abdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Rep. Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu tagtay Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.