Xamze oo madaxweynaha Tanzania u soo bandhigay damaca Soomaaliya ee kursiga Golaha Amaanka QM
July. 27 (Jowhar.com)-Soomaaliya ayaa olole ugu jirta siday xubin oga noqon lahayd golaha amaanka ee qaramada midoobey, iyada oo raysal wasaare Xamze Cabdi Barre uu ka codsaday madaxweynaha Tanzania inay taageerto.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban 15 xubnood, oo shan ka mid ah ay yihiin joogto.
Xubnaha joogatada ah ee Qaramada Midoobey ayaa kala ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka Maraykanka iyo boqportooyada Ingiriiska. Xubnaha joogtada ah waxay ka dhigan tahay in uusan jirin xeer meesha ka saaraya waligood, sida muuqatana waa dalalka ku hubeysan hubka nukliyeerka kuwooda ugu awoodda badan.
Kuraasta tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn ayaa loo qaybiyey qaaradaha iyo gobollada caalamka, waxaana lagu doorta golaha guud ee Qaramada midoobey. Muddo xileedka xubanaha waxay ku egtahay laba sano, waxaana Afrika ku soo aadda ilaa saddex xubnood oo ay dalalka Afrikaanku isku badbadalaan.
Dowladaha doonaya in ay helaan kursigan aan joogtada ahayn ayaa olole cod raadis ah sameeya iyaga oo badanaa ka bilaabaya dalalka ay saaxiibada yihiin iyo ururrada ay ka tirsan yihiin.
Sannadkii 2020 waxaa olole u wada galay kursiga bariga Afrika dalalka Jabuuti iyo Kenya. Soomaaliya oo markaas Kenya la lahayd xiriir liita ayaa taageeraysay Jabuuti una ololeynaysay sidii ay Jabuuti ku heli lahayd kursigaas, hase yeeshee Kenya oo dhanka siyaasadda gobolka kaga gacan saraysay jabuuti ayaa ku guuleysatay, codkii Golaha Guud ee qaramada Midoobeyna sidaas ku heshay.
Sannadihii 2021 iyo 2022 ayey Kenya kursigaas ku fadhiday, waxayna ahayd markeedii saddexaad ee ay hesho xubintan aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.
Hadda waxaa soo shaac baxday in Soomaaliya ay doonayso in ay hanato laba sano oo ay xubin aan joogto ahayn ka ahaato Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.
Haddaba maxay yihiin danaha ay helaan xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, siiba kuwa aan joogtada ahayn.