Xamze oo New York kula kulmay Madax ka tirsan Mareykanka iyo Itoobiya

Sep 21 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre ayaa magaalada New York kulamo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeyb galaysa shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Ra’iisuo wasaaraha ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socdo khudbad ka jeediyo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midooba oo uu kaga hadli doono dagaalka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More