Xamze, Saalax iyo Madaale oo gaaray magaalada Baydhabo
Mar. 15 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa haatan ka socdo qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro furitaanka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado inuu si rami ah beri uga furmo magaaladaasi.
shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan