Xarumaha Ganacsiga Waqooyiga Gaalkacyo oo maanta xiran.

Jan. 10 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ay xiran yihiin xarumihii ganacsiga Waqooyiga Gaalkacyo.

Sida wararku sheegayaan, arrintan ayaa timid kadib markii ganacsatada ay cabasho ka muujiyeen kordhinta canshuuraha ay ka qaado dowlada hoose ee degmada Galkacyo ee Puntland .

Qaar kamid ah maamulada xarumahaasi ganacsi ayaa iska diiday iney bixiyaan canshuuro xad dhaaf ah oo ay Puntland kusoo rogtay ganacsatada, iyagoo sheegay in taasi bedelkeed ay doorteen iney shaqa joojin sameeyaan.

Majirto ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland, iyadoo talaabadan ay saameysay dadkii shacabka ahaa.

Gaalkacyo ayaa ah magaalo u kala qeybsan Waqooyi iyo Koofur, Waqooyiga waxaa ka arrimisa Puntland, halka Koofurtana ay maamusho Galmudug.

Xarumaha ganacsiga waqooyiga Galkacyo ayaa xiran kadib cabasho ay ganacsatadu ka muujinayaan kordhinta canshuuraha ay ka qaado dowlada hoose ee degmada Galkacyo ee Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More