Xarumaha Waxbarashada Somaliland oo Covid 19 awgii loo xirayo

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Somaliland ayaa shaacisay in bartamaha bisha soo socota muddo laba bilood ah la xirayo dugsiyada waxbarashada xilli uu deegaannadaas si xoog leh uu ugu sii faafayo xanuunka Covid-19.

Kiisaska cudurkaas ee laga diiwaangeliyo Somaliland ayaa hadda ka badan kuwii bilihii la soo dhaafay.

Wasiirka waxbarashada wuxuu sheegay in laga bilaabo 13-ka bisha April la fasaxi doono dhammaan dugsiyada ku yaalla Somaliland.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli Somaliland uu fara ba’an ku haya cudurka Covid-19 iyo abaaro baahsan oo saameeyay howlaha waxbarashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More