Xarun lagu cillad bixinayo diyaaradaha oo laga hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde

Munaasabad lagu dhagax dhigayay xarun lagu cillad bixinayo diyaaradaha marka ay cilladoobaan ayaa maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Axmed Faarax ayaa dhagax dhigay xarunta dayactirka diyaaradaha oo laga hirgalinayo garoonka diyaaradaha Aadan cadde.

Xafladda dhagax dhiga oo ka qabsoontay garoonka diyaaradaha ayaa waxa kasoo qayb galay wufuud kala duwan kuwaas oo isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Xauntan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay muddo 30 sano ka badan oo xarun noocaas ah laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.

Hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada ee ICAO loo soo gaabiyo ayaa horay waxay shardi ku xirtay in Soomaaliya ay xaruntaas hirgeliso si loogu oggolaado diiwaan gelinta diyaarahadaha isla markaana ay hay’addu kormeer ku timaaddo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More