Xarunta Cusub ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo xarigga laga jaray

Apr 01 (Jowhar.com)-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah u yeelatay xarun dhexe oo la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka ,taa oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray, wixii hadda ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha xarunta ayaa ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yeelaan 30 xafiis oo waax walba ay leedahay hoolkeeda shirarka, hool weyn oo shir, masaajid, maqaayad, goobaha la dhigto gaadiidka iyo qaybo kale oo leh nasniino, iyadoo dhismayaasha dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay bixisay dawladda, halka ay dhammeystirkiisa iyo qalabeynta ay ka qaybqaadatay safaaradda dawladda Shiinaha ee Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka. Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taa oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More