Xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa oo Xarriga laga jaray
Feb. 20 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxana uu ka dalbay madaxda Wasaarada inay soo gudbiyaan siyaasadda qaran ee lagu badbaadinayo Xoolaha Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabadii furitaanka xaruntan ayaa xusay in dalkeennu uu ku jiro mid ka mid ah abaarihii ugu dabo-dheeraa gobolka, haddii aan la qaadin tallaabooyin deg-deg ah oo lagu badbaadinayo xoolaha Soomaaliyeed ay sanadaha dhow dabar go’ayaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay ahmiyadda xooluhu ay u leeyihiin nolosha iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed, Xukuumadduna ay mudnaan siineyso sidii xal waara loogu sameyn lahaa dhibaatooyinka soo food saara xoolo-raacatada oo ay ugu horreeyaan dalag yarida iyo biyo la’aanta .
Munaasabadda xarig jarka Dhismaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya.