Xasan Cali Khayre oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho
July. 11 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saaka soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Waxaa uu ka qeyb galayaa shirka u dhaxeeya saamileyda siyaasadda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo looga hadli doona go’aanadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho siyaasiyiinta, xildhibaabada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xasan Cali Kheyre ayaa ka mid ahaa afartii Musharax ee ugu cododka badnaa doorashadii 15 May 2022, isagoo galay kaalinta afaraad.