Xasan Sheekh iyo Abiye Axmed oo ka wada hadlay xalka xiisada labada dal

0
216

Sep 10(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo dan wadaag ah oo gobolka khuseeya, iyaga oo mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan xoojinta nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo qoraal soo saaray ayaa yiri: “Waxaan mar kale xaqiijinay go’aankeena xoojinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.”

Kulanka waxaa xaadiray Wasiirka amniga guddaha Jen. Fartaag oo si gaar ah u xiisaynaya amniga Gobolka Gedo oo ku yaalla xuduudka Soomaaliya la wadaagto Itoobiya iyo Kenya.