Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi oo caawa wadahadal xasaasi ah ku yeeshay Mirinaayada

Feb 12 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa si lama filaan ah hoygiisa ugu tagay Senator Muuse Suudi oo in muddo ah xurguf siyaasadeed ay u dhaxeysay, tan iyo markii uu Madaxweynuhu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Booqashadan ayaa daarneyd sallaan iyo raalli gelin, iyadoo dhowr jeer oo hore Senator Muuse Suudi uu diiday inuu la kulmo Madaxweynaha kaddib Ergo uu u soo dirsaday.

Intii uu Madaxweynaha booqanayay hoyga Muuse Suudi oo ku yaalla Mirinaayada ayaa loo xirin wax waddo ah, waxaana markii booqashada uu soo dhameystay lugta soo mariyay Jubba Hypermarket oo ku taal Isgoyska Jubba oo sallaan la qaaday dad fadhiya maqaayado ku yaal Xaruntaas Ganacsi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More