Xasan Sheekh iyo Rooble oo war ka soo saaray geerida Shirwac

May 29 (Jowhar.com)- Madxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Koowaad ee Xukuumada ayaa qoraalo ay kasoo kala saareen xafiisyadooda waxa ay tacsi ugu direen Gudoomiyihii Ururada Bulshada Rayidka Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay saqdii dhexe ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.”

Dhinaca kalena, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay marxuumka halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka baxeen labo shakhsi oo kala ahaa Sheekh Cali Warsame iyo Cabdullaahi Shirwac oo ku kala suntanaa farista wanaagga iyo samafalka bulshada, ilaahay dhammaantood ha u naxariisto.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Cabdullaahi M. Shirwac ayaa ahaa xubin firfircoon oo bulshada rayidka ka tirsan , waqtigiisa iyo maskaxdiisana mar walba u hurayay horumarinta nabadda iyo abaabulka bulshada ee ku wajahan ka jawaabidda xaaladdaha deg-degga ah ee gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More