Xasan Sheekh Maxamuud oo markale loo caleemasaaray Madaxweynaha Soomaaliya

June 09 (Jowhar.com)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaflad caleema-saarkiisa waxaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay teendhada Afisyooni ee magalada Muqdisho, iyadoo ay kasoo qeybgaleen madax ka socota caalamka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa lagula xisaabtami doono waxqabad, isla markaana uu ka shaqeyn doono baahinta nidaamka federaalka, dastuurka, wadahadallada Somaliland, iyo amniga dalka, wuxuuna sharraxaad dheer ka bixiyay hal-ku-dhiggiisa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Wuxuu sheegay inay Soomaaliya saaxiib iyo iskaashi la yeelan doonto dal kasta oo aan madax-bannaanida Soomaaliya ku xadgudbin, isla markaana u ka shaqeyn doono xiriir ganacsi oo Soomaaliya dunida la yeelato.

Waxa uu Xasan Sheekh ka hadlay waxyeellada abaarta, isagoo sheegay in kumannaan Soomaali ah ay wajihi karaan macluul,wuxuuna codsaday wax ka qabashada abaartan.

Madaxdii ka qeybgashay caleemasaarkan oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana u ballanqaaday taageerada dawladda Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo. Waxa uu sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna u yihiin inay la shaqeeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkan loo doortay 15-ka bishii May ee lasoo dhaafay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More