Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahaadal la yeeshay madaxweynaha dalka Ciraaq

Nov 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More