Xasan Sheekh oo baarlamaanada DF iyo maamulada kala hadlay dagaalka Shabaab.

Nov. 18 (Jowhar.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonnada Baarlamaanka Dowlad-goboleedyada dalka ee ka qeyb-galay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Baarlamaanka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed in ay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wadajirna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis lah ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastuurka iyo dhammeystirka shuruucda xoojinaysa dowladnimada, waxa uuna tilmaamay doorka xooggan ee Baarlamaannada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku leeyihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Dhankooda, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarlamaannada Dowlad-goboleedyada dalka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan, iyagoo soo dhaweeyey in ay sii joogteeyaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More