Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Aug. 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu, kana soo maleegto qaraxyada iyo falalka xasuuqa ah ee ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More