Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusa-mareeb, kana hadlay gulufka Shabaab

Oct 20 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ujeedka socdaalkan ayaa ah si uu halkaas uga sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More