Xasan Sheekh oo hal arrin kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

May 25 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya wada hadal dhinaca tilifoonka ah oo ay yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken.

Madaxweyne Xasan oo xafiisma fadhiya saddex maalin oo kaliya waxa uu dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada joogtada ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana u caddeeyay sida dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta xiriirka Mareykanka.

Si kastaba, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkii hore saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu celinayo Soomaaliya.

Ujeedka ayaa ah si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kaddib markii horaantii sanadkii 2021 uu Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka saaray Ciidamadii Mareykanka ee ka howlgalayay Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More