Xasan Sheekh oo ka hadlay wararka sheegaya iney duulaan ku yihiin Koofur Galbeed.

June 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay munaasabad sagootin eheyd loogu sameeyay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegayay in dowladiisa cusub ay duulaan ku tahay maamulka Koofur Galbeed si meesha looga leexiyo madaxweyne Lafta-Gareen.

Xasan Sheekh oo sheegay iney soo gaartay guuxa gudaha shacabka ayaa fagaare ka sheegay in dhinaca dowladda Federaalka ay ka jirto Nabad, saaxiibtinimo iyo dadkii ay mas’uuliyadda dalka u dhiibteen, wuxuuna dadka ugu laab qaboojiyo inuu xiriirkooda wanaagsanaan doono.

Madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa intaasi kudaray in xilligaan jirin abaabul iyo Colaad ay dowladda Soomaaliya la damacsan tahay Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna ugu baaqay Madaxda iyo Shacabka Reer Koonfur Galbeed ay u midoobaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatada ka jirta degaankooda.

Xildhibaano kudhow madaxweyne Lafta-Gareen ayaa todobaadkii hore Baydhabo ka sheegay inuu Muqdisho ka socdo abaabul ka dhan ah madaxweyne Lafta-Gareen, iyadoo dadka ololahaais wadana la sheegay iney yihiin saaxiibada madaxweynaha dib loo doortay 15-kii bishii hore ee May.

Dooda ugu adag ayaa ka taagan mudo xileedka madaxweyne Lafta-Gareen, dadka qaar ayaa qaba iney ku egtahay dhamaadka sanadan, halka dad kale ay leeyihiin waa ilaa dhamaadla sanadka danbe, iyagoo tusaale ka dhiganaya in baarlamaanka maamulkaasi ay madaxweynaha ugu dareen mudo hal sana ah oo ay isla dhameysanayaan mudada xil heynta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More