Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Ra’iisul Wasareere ku xigeenkii Hore Ismaaciil Buubaa

Apr. 05 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa, dib u dhiska dalka, xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Kumeel Gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ismaaciil Maxamed Hurre oo ku geeriyooday dalka Turkiga ayaa jagooyin kala duwan kasoo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya.

Ismaaciil Buubaa ayaa dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More