Xasan Sheekh oo Khuburo milatari oo Turki ah kulan gaar ah la qaatay

Dec 08 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli, iyadoo lagaga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal.

Muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More