Xasan Sheekh oo maanta booqanayo dalkii u horeeyay kadib doorashadiisii.

June 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeeyay uga boxo dalka tan iyo wixii ka danbeeyay markii xilka dib loogu doortay 15-kii bishii hore ee May.

Booqashadan ayaa salka ku heyso casuumaad uu ka helay madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan oo 13-kii May noqday amiirka Abu Dhabi iyo madaxweynaha dalkaas, kadib markii uu geeriyooday walaakiis Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Maxamed bin Zayed ayaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, iyadoo booqashadan ay xukuumadda Qatar u direyso fariin ah inuu soo dhamaaday waayeheedii Soomaaliya, Bog cusubna u bilaabanayo Imaaraatka Carabta oo lagu wado iney mashaariicyo waaweyn ka hirgaliso dalkan.

Ra’iisil wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilihii la soo dhaafay dib u soo nooleeyay xiriirka labada dal kadib markii uu go’naa tan iyo bishii April 2018, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mid ahaa siyaasiyiinta inta aanu xilka qaban u ololeyn jiray in la hagaajiyo xiriirka Imaaraadka Carabta, maadaama ay si weyn isugu xiran yihiin Soomaalida, oo ay wadaagaan dano ka waaweyn kuwa Qatar, si gaar ahna ganacsiga

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More