Xasan Sheekh oo maanta safar u ah Masar iyo Itoobiya oo ilgaara ku heyso.

July 24 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa la filayaa maanta iney socdaal dhowr maalin qaadanaya ugu ambabaxaan dalka Masar, wararka qaar waxey sheegayaan inuu madaxweynaha ka qeyb galayo xuska maalinta kacaanka dalkaasi ee 1952-dii.

Madaxweynaha ayaa shalay uun dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka EAC, iyadoo Masar ay ka mid tahay dalalkii martiqaadka u soo diray madaxweynaha kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha 15 May.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha amaanka, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Dowladda Itoobiya ayaa ilgaara ku heysa safarkan, xili uu dagaal dhanka biyaha wabiga Nile uu kala dhexeeyo Masar, xukuumada Qaahira ayaa dooneysa iney markan gasho dowrkii Itoobiya ugu jirtay dowladii Farmaajo.

Safarka Madaxweynaha ee Masar ayaa noqonaya safarkii 7aad oo dibadda ah tan iyo markii uu Xafiiska la wareegay, hore waxa uu u aaday dalalka Imaaraatka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti, iyadoo wali aan la soo dhisin xukuumadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More