Xasan Sheekh oo markii 3-aad tegay madaxtooyada kadib doorashadiisii.

May 21 (Jowhar.com) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More