Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyey hoggaanka mucaaradka iyo qaybaha bulshada rayidka ah, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.
Gogosha wadatashiga ayaa la qorsheeyey inay qabsoonto muddada u dhexeysa 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar 2026, iyadoo casuumaadda loo diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka.
 Wadatashigan ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahayso doodo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, hirgelinta dastuurka iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Indhaha ayaa hadda lagu hayaa jawaabta dhinacyada la casuumay iyo mowqifyada ay ka qaadan doonaan gogosha uu ku baaqay madaxweynaha, maadaama wadahadallada siyaasadeed ay muhiim u yihiin sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka jira.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan wadahadalada uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




