Xasan Sheekh oo qirey in ciidamada dowlada lagu qiyaaneeyey dagaalkii Cawsweyne

Aug 29 (Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad kajeediyay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cawsweyne isagoo qirey inay jiraan dad qiyaano ku sameeyay ciidamada kuwaasoo lala xisasabtami doono.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbadiisa waxaa uu ugu horeyntii ugaga hadlay guulaha ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka isagoo xusay in dhul ballaaran ay ka xoreeyeen Alshabaab gaar ahaan deegaano kamid ah dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Hadalkiisa ayuu Madaxweynuhu ku xusay inay jiraan dad qayaano ku sameeyay ciidanka balse lala xisaabtami doono.
Madaxweyaha ayaan magacaabin dadka qiyaaneeyay ciidanka balse waxa uu ku ammaanay ciidamada dowlada inay horumar weyn ka sameeyeen dagaalada lagula jiro Alshabaab.

“Kuwa awooda ciidanka ku takri falay qiyaanada ku sameeyay waqtigii lala xisaabtami lahaa waa la joogaa waana lala xisaabtamayaa dowladnimo waa isla xisaabtan.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ay jiraan dad tashwiish ku furaya ciidanka qalabka sida.

“Kuwa ciidanka tashwiishka gelinaya waa shabaab, noogama sokeeyaan kuwa hubka iyo qarax wata maalinteeda ayaa loo tegeyaa sarkaal ha ahaado qofkii qalad sameeya waa lala xisaabtamayaa laakiin yaanay ciidamadu qaladkaas u raacin.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay dagaalkii ka dhacay Cawsweyne ayaa sheegay in qasaaraha ka soo gaaray ciidamada dowlada uu ka yar yahay kan soo gaaray maleeshiyaadka Alshabaab.

“Shabaab tirada ay sheegeen inay ka dileen ciidamada xoogga waa been,illaa 190 maleeshiyada Shabaab ah ayaa la diley waxayna ku aaseen xabaalo wadareed,waana la gaari doonaa,sawiro ay isku soo xirxireen oo ah kuwo hore ayay baraha bulshada soo geliyeen.”ayuu yir Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan ciidamada dowlada ka soo laaban doonin dagaalka lagula jiro Alshabaab.

“Dagaalka wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joogno ka soo noqon meyno, hore ayaanan u soconeynaa. Guusha kama dambeysta ah ee aan raadineyno waan gaareynaa.”

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya kadib markii ciidamo badan oo ku sugnaa deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ay ka soo baxeen markii ay ciidamada dowlada waxyeelo xoog leh ka soo gaartay dagaal ka dhacay deegaanka Cawsweyne oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Halkan Hoose ka Daawo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalada ciidamada dowlada iyo Alshabaab.

[/video]

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More