Xasan Sheekh oo sheegay in wiilkiisa uusan ka cararin shil dhimasho uuna dib ugu laabanayo maxkamada turkiga

Dec 14 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar sheegaya in wiil uu dhalay uu ku galay shil magaalada Istanbul uuna ku dhintey nin ud hashay dalka Turkiga oo watay Mooto.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay wakaalada wararka AP ku sheegay in wiilkiisa uusan ka soo cararin Turkiga kadib markii uu galay shil ka dhacay wadada weyn ee Istanbul, waxaana uu intaa ku daray in uu kula taliyay wiilkiisa in uu dib ugu laabto oo uu hortago maxkamad, taasoo soo saartay amar lagu soo xirayo.

“Waxay ahayd shil. Umuu cararin, ee waxa uu u qabsaday arrinkaas qareen,” ayuu yiri Madaxweynuhu. “Ma jirin wax amar ah oo lagu xirayo. … Markaa, ganacsi buu leeyahay oo dalka wuu ka soo baxay.”

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir ahaa qof ku shaqeysta mootada, ayaa ku dhintay isbitaal 6 Dec., lix maalmood ka dib markii uu jiiray baabuur uu watay wiil uu dhalay madaxweynaha, Mohammed Hassan Sheikh Mohamud, oo marayay waddo mashquul badan oo ku taal Istanbul.

Maamulka Turkiga ayaa amar ku bixiyay in wiilka uu dhalay madaxweynaha la xiro, lagana mamnuuco inuu u safro dibadda ka dib markii uu dhintay darawalka mootada, balse wararka ayaa sheegaya in Maxamuud Xasan Sheekh uu Turkiga ka tagay markii warqadda la soo saaray.

“Waxaan kala hadlayaa inuu dib ugu laabto Istanbul oo uu isu soo bandhigo maxkamadda,” ayuu yiri madaxweynuhu. Laakiin wiilkiisu waa nin weyn, “go’aankuna isagaa iska leh – laakiin taladaas ayaan siinayaa,” ayuu raaciyay.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska Gocer oo ahaa wadihii Mootada ee ku dhintey shilka.

“Waxaan rabaa inaan fursadan uga faa’iidaysto inaan tacsi u diro qoyska, oo aanan garanayn si aan ula xiriiro,” ayuu ku yiri wareysiga uu siiyay AP. “Waxaan la wadaagnaa murugada Waanu ka xunahay khasaaradooda.”

Axadii, daraasiin dad ah, oo ay ku jiraan kooxaha mootooyinka soo qaada, ayaa mudaaharaad ka dhigay Istanbul iyagoo dalbanaya in wiilka uu wajaho maxkamadeynta dilka Gocer.

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul, ahna siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray.
“Tuhmanuhu wuxuu Turkiga uga tagay gacmihiisa oo xor ah” wuxuuna ku eedeeyay dowladda “in ay aad u daciifsan tahay si ay u difaacdo xuquuqda muwaadiniinteeda.”

Isniintii, diblumaasi Soomaaliyeed oo ku sugan dalka Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in gaariga uu watay wiilka uu dhalay madaxweynaha ay leedahay safaaradda Soomaaliya.

Qoyska Madaxweynaha ayaa ku socdaala Baasaboorka Diblomaasiga ah, waxayna horey ugu noolaayeen Turkiga, ayuu yiri sarkaalka, oo ogolaaday in kiiskan laga hadlo oo kaliya haddii aan magaciisa la soo xigan.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkeyga uu ixtiraamo sharciga Turkiga, uuna hor istaago maxkamadaha dalka Turkiga,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigaas ku sheegay xarunta Q.Midoobe, halkaasoo uu kusoo bandhigay qorshaha dowladdiisa. in ciidamada Midowga Afrika ay kala wareegaan ammaanka dalka, ayna sii wadaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

“Turkigu waa dal walaalo ah,” Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalka.”

Turkiga ayaa xiriir dhow la sameystay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, markaasoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan — oo xilligaasi ahaa Ra’iisul Wasaare- uu booqasho ku tagay dalka Bariga Afrika oo ay ku muujinayeen taageero ay dadka Soomaaliyeed la ildaran yihiin abaaro ba’an.

Turkiga waxa uu bixiyay gargaar bini’aadantinimo, waxa uu ka dhisay Soomaaliya kaabayaal dhaqaale, waxa uuna Soomaaliya ka furay saldhig milatari oo uu ku tababaray saraakiil iyo ciidamo Boolis ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More