Xasan Sheekh oo usoo guuraya degmada Maxaas kadib heshiis uu la gaaray Cali Jeyte iyo Ugaaska Xawaadle

ROME, ITALY - FEBRUARY 08: President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud meets Italian Prime Minister Giorgia Meloni (not in picture) before their meeting at Palazzo Chigi, on February 8, 2023 in Rome, Italy. (Photo by Antonio Masiello/Getty Images)

Aug 30 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorshe uu uga soo guurayo magaalada Dhuusa-mareeb, isagoo taliska guud ee laga hago howlgalada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab ka dhiganayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya iney soo dhamaadeen wadahadalo hoose oo maalmihii lasoo dhaafay dhexmarayay madaxweyne Xasan iyo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo uu wehliyo gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa inuu madaxweynaha kasoo guuro Dhuusa-mareeb oo uu joogo mudo bil ah, mudadaas kooxda Shabaab ayaa laga faramaroojiyay dhul balaaran oo ay ku jirto degmada Ceelbuur oo eheyd saldhigga ugu weyn ee kooxdaasi ku leheyd gobolada dhexe ee dalka.

Sida qorshuhu yahay, madaxweyne Xasan ayaa caasimadda dib ugu soo laaban doona marka uu soo afjarmo wjaiga koowaad ee dagaalka Shabaab oo la doonayo in kooxdaasi lagaga xoreeyo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

Talaabadaan uu madaxweyne Xasan Sheekh uu taliska hoggaaminta dagaalka uga dhiganayo Maxaas oo uu kaga soo guurayo magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo dowladda culeysyo iyo fashil kala kulantay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada ku yaala Bariga gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in la joogo waqtigii la isla xisaabtami lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More