Xasan Sheekh;”Kuwii Shalay Colaada aan ka baqi jirin Maanta Nabadda ayay ka baqayaan”

April 23 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay maanta munaasabad ka dhacday markabka dagaal ee dowlada Turkiga dushiisa ay ku soo hadal qaaday   arrimo siyaasadeed oo uu ku duur xulayay siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dacaayado been abuur ah laga sameeyay heshiiskii ay dowlada Soomaaliya la gashay dowlada Turkiga.

“Dacaayada laga sameynayo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan  heshiiska aan la galnay Turkiga waa waxba kamajiraan,wararka sida xun loo fasirayo  waa dad noo diidan inaan hore u socono,waa dad diidan inaan soo ceshano haybadeenii iyo karamadeenii.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dacaayadaha mashruuca soomaaliya dib ha u soo noolaato la shaqsiyadeynaayo, la qabiilaynaayo, la goboleynaayo waxaas oo dhan waa astaan iyo calaamadooyin cadowga u shaqeynayo oo dad cabsaday oo meesha in laga dhaqaaqo ka baqaya  .”ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waa kuwii shalay colaada aan ka baqi jirin, colaada ku dhiiran jirey, dadka Soomaaliyeed  soo colaadiyay, xabado u soo ridey, dagaal u soo sameeyay, colaad u soo sameeyay maanta waxa ay ka baqayaan nabadda,”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Khudbada uu jeediyay ayaa laga dhadhansan karay inuu Madaxweynuhu ka hadlay   arrimaha doorashooyinka isagoo sheegay inaysan jirin cid waqti kororsan karta taasoo dadka wax odorosa ku sheegeen inuu ula jeeday madaxda maamul goboleedyada dalka.

“Hadalada dadka qaarkii ay ku hadlaan micneeya, macnaha dhabtii ah ay leeyihiin u yeela, cabsida an ka gudubno,dalkaan lama dhici karo,sidii la doono lagama yeeli karo,diktatoor ma soo noqon karo,dadka Soomaaliyeed ma xukumi karo cid aysan soo dooran, waan iska joogayaa waqtigaan jiidayaa, qalalaase ayaan abuurayaa si aan cudur-daar ugu helo in  waqtigu sii dheeraado, kuwa masuuliyada haaya allaha ka shaafiyo ayaan leeyahay kuwa soo socdana ha ka waantoobaan.”ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbadiisa ku soo gunaanaday maahmaah oranayso,”Maxaa san ama qurxoon Maxaa Suurtogal ah ayaa ka roon.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More