Xasan Sheekh;”Ninka aan idin anfacayn raali ahaw dhaha, kan idin anfacaaya haysta hadduu joogo….,”

Dec. 23 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Baydhabo ka dhacay iyo dagaalka ay ciidamada dowlada kula jirto Alshabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay magaalada Baydhabo inay dagaalka joojiyaan oo khilaafkooduna ku dhamaystaan wadahadal.

“Waa wax laga murugoodo oo laga xumaado,war lagu farxo ma ahan,walaalaha Baydhabo waa taqaanaan colaad idinkuma cusba, qoriga dhulka dhiga gogosha isugu yimaado, oo is warsada oo waxa idinka qaldan iska toosiya, ninka aan idin anfacayn raali ahaw dhaha, kan idin anfacaaya haysta hadduu joogo, hadduu maqan yahay keensada, fursad ha la siiyo dadka.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo ka hadlayay dagaalka ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay dhibaatada ka jirta Baydhabo inay tahay mid salka ku haysa siyaasad iyo dowladnimada daciifka ah ee ka jirta dalka,waxana uu ku taliyay in madaxda jirta la dhowro kuwa hamiga lehna la dhowro.

Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay musuqmaasuqa isagoo ka digey in dhaqaalaha dowlada dadka haya ay ku takrifalaan.

Madaxweyne Xasan ayaa qudbadiisa ku duray siyaasiyiinta ka xun horumarka ay dowladu gaareyso waxana uu ku baaqay in dowladnimada la ilaaliyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More