Xeer ilaalinta qaranka oo racfaan ka qaadatay xukunkii maxkamada gobolka Banaadir
Oct 01 (Jowhar.com)-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii dhawaan ay ridday Maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu sii daayay shank amid ah xubno loo heysto eedeymo musuq maasuq.
Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta oo uu ku saxiixan yahay xeer ilalaiyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in racfaan ay ka qaateen xukunka maxkamada oo aysan ku qancin.
Si kastaba, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.
Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga.
Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay.
Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.