Xeer ilaaliyaha qaranka oo shaaciyay 18 mas’uul oo baxsad ka ah cadaalada

Jully. 06 (Jowhar.com)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo Goordhow shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Liiska mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baxsad ka ah cadaalada.

Waxa uu sheegay in 18 Masuuliyiin ah oo baxsad ka ah cadaaladda ay jiraan, loona heysto musuq maasuq, wuxuuna raja ka muujiyay iney cadaalada wajahaan.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney xiriir dhow la leedahay booliska adduunka ee Interpol oo ay awood u leeyihiin iney gacanta kusoo dhigaan kuwa isku daya iney dalka ka baxsadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More