Xeerka Doorashada Guddoonka Labada Aqal oo berri la ansixinayo

April 17 (Jowhar.com) –Guddiyada qabanaya doorashada guddoonka labada aqal ee BJFS ayaa maanta kulan wadajir ah yeeshay, iyagoo ka wadahadlay xeerka doorashooyinka guddoonka labada Aqal.

Kulankan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xeerka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo maalinta berri ay yeelanayaan labada Aqal.Waxaa kulankaan ayaa  goobjoog ka ahaa Guddoonka KMG ah ee labada Aqal.

Labada guddi ee qabanqaabada doorashada guddoonka labada aqal ayaa iska dhex doortay guddoomiye waxana uu guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirizaq Cumar Maxamed uu sheegay in uu diyaariyay jadwalka qabashada doorashada guddoonka golaha shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More