Xer Quraan akhris ka timid oo aano qabiil loogu laayay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Oct 22 (Jowhar.com)-Warrarka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in rag hubeysan ay rasaas oodda uga qaadeen xer wado socotay meel ku dhaw tuulada Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadale.

5 qof ayaa goobta ku dhimatay sida uu sheegay wasiirka dibu-heshiisiinta Hirshabeelle Cabdilaahi Cadde.

5 qof ee la dilay oo xer ahaa ayaa ku socday tuulada Xaaji Cali, iyagoo ka soo laabtay Quraan akhris.

Mudooyinkan waxa ka taagnaa deegaannada hoostaga degmada Cadale, dagaal qabiil oo lagu dilay dad badan, tuulooyinna lagu gubay.

Dhawr jeer oo shirrar dibu-heshiisiin ah loo qabtay qabaa’ilka deegaanka ku dagaalamaya ayaa guuldarro ku dhammaaday, waxayna dagaalladan si goos goos ah u dhacayeen muddo dhawr sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More